|
Asmar,(insidesomalia.org)- Isbeheeysiga dib u xureeynta Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka fiirsanayaan ka qeeyb galida Shirka Bishan ka furmaya Dalka Jabuti ee dib u hishiisiinta loogu talogaley.
Isagoo qadka telfooka ugu waramayay Tvga Al Jasira qeeybta Afka Carabiga Gudoomiyaha Isbeheeysigaasi Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa uu sheegay in ay tix galinayaan ka qeeyb qaadashada wada hadalada Bishan ka dhacaya Dalka Jabuti ee dariska la ah Dalka Soomaaliya.
Weerarada dhanka Hawada ah ee ay mareeyknaka ku qaadeen Magaalada Dhuusa Mareeb ayna ku dileen Hogaamiye ka tirsanaa Xoogaga Al Shabaab ayaa waxaa ay keenayaan in ay qatar weeyn galiyaan wada hadalada ay wadaan Qaramada Midoobey ee lagu dhex dhexaadinayo qeeybaha kala duwan ee Soomaaliya.
Isbeheeysiga dib u xureeynta ayaa sheegay in ay tix galinayaan Wadahadalada 10ka Bishan ka dhacaya Dalka Jabuti, isla markaana ay ka fiirsanayaan ka qeeyb qaadashadooda.
Wadahadaladaasi oo ay waday QM isla markaana ay ku dooneeysay in lagu dhameeyo qilaafaadka hareeyay Dalka Soomaaliya iyo Dagaalada Mudada dheer socday ayaa sidoo kele Hay’adaha ee Qaramada Midoobey waxaa ay sheegeen in xaalada Bini’aadanimo ee Dalka Soomaaliya ay ka soo Dareeyso.
Shiikha ayaa sidoo kela sheegay in inta ay mareeykanaka wadaan Duqeeynta aysan socon karin wada hadalada ayna u muuqto in ay ka fiirsan doonaan.
Isbeheeysiga dib u xureeynta ayaa waxaa la Sameeyay Sanadii 2007 kadib markii Maxaakiimta Islaamiga Somalied laga Fara Maroojiyay Goobihii ay ka Ariminayeen kadib dagaalo ay la galeen Ciidamada Dowlada Somalia oo ay gadaal ka Kaabayeen Ciidamada Ethiopianka.
Ka qeeyb qaadashada Ururkani ee wadahadalada la filayo in uu dhawaan ka furmo Dalka Jabuti ayaa waxaa loo arkaa talaabo weeyn oo ka qaadan karta xalinta dhibaatada ku ragaatay Dalka Soomaaliya.
Qaar ka mid ah isbeheeysiga dib u xureeynta Soomsaliya ayaa walaac ka qaba dhibaatooyinka ay Mareeykanka u Geeysnayaan Shacabka Soomaaliyeed iyo weerarada soo laab laabtay ee ay Mareeykanka ku qaadeen Goobo ay dad rayid ah degen yihiin.
Horay ayaa hogaamiyayaasha Al Shabaab ay sheegeen in aysan wax wada hadal ah la galeeyn Dowaladda Soomaaliya .
|